Wararkii ugu Danbeeyey ee ka imaanya Wadanka Masar ayaa waxa ay sheegayaan in ugu yaraan 40 Qof ay ku dhinteen kadib markii Taageerayaasha Madaxweynihii la inqilaabay ee Mursi, ayagoo mudaharaadaya Rasaas ay askar kufureen.

Taageerayaasha Mursi ayaa waxaa ay ku mudaharaadayeen meel Saldhig Militari ah oo loo malaynayo in Madaxweyne Mursi lagu haysto. Kadibna waxaa ay bilaabeen inay salaadii subax meesha horteeda ku tukadaan markaasna Rasaas ooda looga qaaday, kadibna ilaa 40 qof ayaa dhntay Boqolaal in kor udhaafayana waa dhaawacmeen.

Dhanka Militariga iyo warbaahinta afkooda ku hadla ayaa waxaa ay dhankooda yiraahdeen, rasaasta waxaa bilaabay Taageerashaaya Mursi oo waxaa ay rabeen inay meesha xoog ku qabsadaan, Hal askarina waa uu ku dhintay weerarkaa.

Arinta Masar ayaa tan iyo Markii madaxweynihii Mursi la inqilaabay, kasii daraysa waxaana lasoo sheegayaa inay Dad aad u badan meelo kala duwan oo wadankaa ay ku dhinteen kadib iska hor imaad Tageerashaaya Mursi iyo kuwa kasoo horjeeda.

Nin Mohamed Al-Baradei la dhaho ayaa la damcay in laga dhigo Raysulwasare ku meelgar ah, hase yeeshee Xasbiga Salaafiyada ayaa diiday oo waxaa ay ku candacoodeen inaan Nin mucaaradka ka mid ahaa Madaxweyne mursina loolan qaraar dhexyiil uusan waxba kusoo darayn isukeenid iyo dib u heshiiiin Qaran.

Hadase waaba isaga baxeen xisbiga Salafiyadu wada hadalkii oo waxaa ay sheegeen inay ka xunyihiin Dadka la laayey ee Taageerayaasha Madaxweyne Mursi.

Last modified on Saturday, 25 April 2015 11:50

Leave a comment

Fadlan dhiibo Fikirkaaga. Fadlan u hadal si dhex dhexaad ah aan Cay iyo Qabyaalad ama wax kale oo xun ku jirin. ◄ Mahadsanid.►

CAALAMKA ONLINE

TEST

JSN Gruve template designed by JoomlaShine.com