Warar deg deg ah oo hadda soo dhacay ayaa waxaa la shegay in Militariga Masar ay Inqilaab sameeyeen Madaxweynihii Masarna ay Xilkii ka qaadeen.

Generalka ugu sareeya Ciidamda Masar ayaa qudbad uu ka jeediyey Telefishinka Dalkaa waxaa uu ku sheegay, in Madaxweynaha Masar Xilikii laga qaaday si kumeel gaar ahna loogu dhiibey Qaaliga Maxkamadda Dastuurka ee waddankaa.

Wuxuu kaloo sheegay in Dastuurka ilaa ugu badnaan muso sanad ah meesha laga saaray sida ugu dhaqsaha badan oo dhici kartana ay Doorasho cusub ku dhacayso.

Genralka ayaa markuu Qudbada jeedinayey waxaa la joogey wax garad iyo wadado ka kalakooban dhamaan qaybaha Bulshada Masar. Madaxweyni Mursi ee Xilka laga afgambiyey ayaa wuxuu ku yiri taageerayaashiisa baa layiri, inay Guryahooda isaga laabtaan wax rabsho iyo dagaal ahna aysan samayn.

Last modified on Sunday, 04 January 2015 12:58

Leave a comment

Fadlan dhiibo Fikirkaaga. Fadlan u hadal si dhex dhexaad ah aan Cay iyo Qabyaalad ama wax kale oo xun ku jirin. ◄ Mahadsanid.►

JSN Gruve template designed by JoomlaShine.com