Diyaarad uu lahaa Madaxweynaha Waddanka Bolivia, Evo Morales ayaa markii ay Hawada Waddanka Austria dulmarey, waxaa lagu qasbay inay magaalda Caasimada ee Vienna ku degto.

Waxaa sabab looga dhigay baa layiri, markii ay Wadamada Faransiiska, Talyaaniga, Isbayn iyo Boortaqiiska ay diideen inay Hawadooda isticmaasho Diyaaradda Madaxweynaha Bolivia.

Laakiin waxaa loo malaynayaa baa layiri inay sabata ahayd, markii lagu tuhmey in Nin Jaajuus ahaa oo Sirdoonka Maraykanka ka fakaday uu Magaalda Muusko ee Ruushka kasoo qaaday si uu waddanka Bolivia Magangelyo Qaxooti uga helo. Been ayuuse noqday malahaa oo Diyaaradda ma uusan saarnayn Jaajuskii ee weli Ruushka ayuu ku suagan yahay.

Last modified on Sunday, 04 January 2015 12:59

Leave a comment

Fadlan dhiibo Fikirkaaga. Fadlan u hadal si dhex dhexaad ah aan Cay iyo Qabyaalad ama wax kale oo xun ku jirin. ◄ Mahadsanid.►

CAALAMKA ONLINE

TEST

JSN Gruve template designed by JoomlaShine.com