Waddanka Masar oo iyaamihii ugu danbeeyeyba Kacdoon Siyaasadeed aan culus ka socdey ayaa hadda waxaa ay gaartey meeshii ugu xumayd ilaa hadda. Shalay ayey ahayd markii Militariga Masar ay Xumuumada Masar iyo Mucaaradka kasoo horjeeda u qabteen 48 Saacadood inay ku xaliyaan khilaafka ka dhexeeya, haddii kale ay iyagu la wareegayaan Hogaanka Dalka Qorshe dhibka looga saari karana ay soo gudbin doonaan.

Waqtigii kamadanbeysta ahaa ayaa dhamaaday Galabta wax wadahadal ah oo ay Xukuumada iyo Mucaaradku galeena ma jiraan. waxaa la sheegay in saacadihii ugu danbeeyey meelo badan oo Magaalada Caasimada ee Qaahira kamid ah, lagu soo daadiyey Askar Gaadiidka dagaalka iyo taangiyaal wata.

Waxaa kaloo la sheegay inay Talefishinka afka Dowladda ku hadla ay lawareegeen Militarigu ayna shegeen in saacadaha soo socda ay war soo saari doonaan.

Dhanka kale Warar aya lasoo sheegaya, in Militariga ay amar ku bixiyeen inaan Madaxweynaha Masar iyo Wakiilo sare oo ka tirsan Xisbigiisa aysan Waddanka ka safri karin. Madaxweynaha Masarna waa ku gacan sayray amarka iyo Kamadanbeysta ay Militarigu u qabteen iyo Mucaaradka.

Marka Xaaladda Masar ayaa waxaa laga baqayaa inay Faraha ka baxdo oo Dagaal Hub laysu adegsanayo uu ka dhex bilowdo qolooyinka is haya.

Last modified on Sunday, 04 January 2015 12:59

Leave a comment

Fadlan dhiibo Fikirkaaga. Fadlan u hadal si dhex dhexaad ah aan Cay iyo Qabyaalad ama wax kale oo xun ku jirin. ◄ Mahadsanid.►

JSN Gruve template designed by JoomlaShine.com