Sirdoon Maraykan ah oo kamida Sirdoonada Maraykanka laguna magacaaba NSA ayaa waxaa la ogaadey inay Wadamo badan oo Adduunka ah jaajuusaan. Nin kamid ahaa shaqaalaha Sirdoonkaa ayaa waxaa uu la fakaday Sir badan kadibna waxaa uu usoo bandhigay oo u waramay Noornaal kasoo baxa Waddanka Ingiriiska.

Wadamada la Jaajuusay ayaa waxaa kamida Jarmalka, Faransiiska iyo Talyaaniga iyo Wadamao badan oo kale oo ay Maraykanka Saaxiib yihiin.

Dad badanayey arintaa kayaabisay maxaa yeelay baa layiri, Wadamadaa waa Saaxiibyo iyo Xulufoda Maraykanka. Safaaradaha Wadamo badan ee Maraykanka iyo Saldhiga Qaramada Midoobey ayaa waxaa lagu qariyey baa layiri, qal yar yar oo qarsoon oo wax lagu dhageysto. Fiilooyinka Isgaarsiintana waa la dhuuqay.

Last modified on Sunday, 04 January 2015 12:59

Leave a comment

Fadlan dhiibo Fikirkaaga. Fadlan u hadal si dhex dhexaad ah aan Cay iyo Qabyaalad ama wax kale oo xun ku jirin. ◄ Mahadsanid.►

JSN Gruve template designed by JoomlaShine.com