Maxkamad kutaal magaalada Milan ee Dalka Talyaaniga ayaa Ra'iisul Wasaarihii hore ee Talyaniga, Silvio Berlusconi waxaa ay ku xukuntay 7 Sano oo Xarig ah.

Berlusconi aya Dacwad Sanado badan qaataday lagusoo oogey waxaana lagu eedeeyey inuu intii uu Ra'iisul wasaaraha Talyaaniga ahaa, wax yaalo badan oo sharciga ka baxsan uu ku kacay. Waxaana ka mida Danbyada lagu hayo, inuu Gogol dhaaf la sameeyey gabdho la sheegay inay midood waqtigaa aysan Qaangaar ahayn. Waxaa kaloo lagu eedeeyey Musuqmaasuq iyo inuu ku ciyaaray oo si aan sharciga waafaqsanay uu u isticmaalay awoodiisa Xukunka.

Berlusconi aya la sheegay inuu yahay Ninka Talyaaniga ugu Taajirsan uuna leeyahay Idaacado badan oo isugu jira Joornaalo, Telefeshin iyo Radio. Waxaa lafilaya baa layiri inuu Berlusconi heli doono ama isku dayayo inuu heli, dariiq uu uga fakado xukunka lagu xukumay, maxaa yeelay waa Nin Khatal iyo xaalad badan baa layiri.

Last modified on Sunday, 04 January 2015 13:00

Leave a comment

Fadlan dhiibo Fikirkaaga. Fadlan u hadal si dhex dhexaad ah aan Cay iyo Qabyaalad ama wax kale oo xun ku jirin. ◄ Mahadsanid.►

JSN Gruve template designed by JoomlaShine.com