Waddanka Maraykanka ayaa waxaa ay sheegeen inay hayaan cadeymo in Ciidamada Suuriya ay isticmaaleen Gaaska Sunta ah. Saa awgeed ay tahay arin aan loo dulqaadan karin, Xukuumada Suuriyana ay ´dhaafeen Xadduud lamadhaafaan ah. Maraykanka ayaa waxaa uu sheegay inay Mucaaradka Suuriya caawin doonaan oo Hub usoo gudbinayaan.

Hubka goorta loosoo dudbinayo Mucaaradka Suuriya iyo nooca uu yahay ayaan weli la cadeyn. Sirdoonka Maraykanka ayaa iyaguna sheegay inay caawinayaan Mucaaradka Garabka dhex dhexaadka ah.

Mucaaradka Suuriya ka dagaalamaya ayaa waxaa ay leeyihiin dhar garab. Waxaa ka mida garab mayal adag oo lasheegay inay Argagixisada taageeraan ama xiriir la leeyihiin. Marka wadamada Reer Galbeedka oo dhan ayaa mudo dheer waxaa ay ka cago jiidayeen inay Caawiyaan Mucaaradka suuriya, oo waxaa ay ku candacoonayeen sida lagu caawin Karo cid aan la aqoon meel ay kayimaaden iyo waxa uu hadafkoodu yahay iyo qorshaha ay wataan.

Last modified on Sunday, 04 January 2015 13:01

Leave a comment

Fadlan dhiibo Fikirkaaga. Fadlan u hadal si dhex dhexaad ah aan Cay iyo Qabyaalad ama wax kale oo xun ku jirin. ◄ Mahadsanid.►

JSN Gruve template designed by JoomlaShine.com