Baarlamaanka Midowga Yurub ayaa waxaa ay Go'aan ku gaareen, in Mustaqbalka lasoo celin Karo Controlkii Xuduudaha ee Yurub. Wadamada Midowga Yurub ayaa waxaa ay beri hore Heshiis ku galeen, inla qaado Baaritaamada Xuduudaha ee Gudaha Yurub. Waxaana ay arintaa si tartiib tartiib ah u hirgaliyeen lagasoo bilaabo bilowgii sagaashameedyadii.

Iyaamihii ugu danbeeyey ayaa Wadamo uu jarmalku ugu horeeyo waxaa ay wadeen olole ah in loo fasaxo inay Xuduuda Dalkooda baaritaankii kusoo celiyaan, kadib markii ay ka cawdeen inay Dalkooda kusoo badanayaan Xaqooti Afrika kayimid oo Talyaaniga soo maraya iyo Dad ka imaanaya Bariga Yurub sida Bulgaria iyo Romania oo Germayn soo aadaya iyaamihii ugu danbeysey tan iyo markii Wadamadaa lagusoo daray Midowga Yurub, si ay Nolol fiican ama shaqo uga helaan Germayn.

Last modified on Sunday, 04 January 2015 13:01

Leave a comment

Fadlan dhiibo Fikirkaaga. Fadlan u hadal si dhex dhexaad ah aan Cay iyo Qabyaalad ama wax kale oo xun ku jirin. ◄ Mahadsanid.►

JSN Gruve template designed by JoomlaShine.com