Ra'iisulwasaaraha Turkiga ayaa waxaa uu yiri asagoo taageerayaashiisa la hadlaya ulana jeeda Dadka Mudaharaadka ka wada Magaalooyin badan oo Turkiga ah,: Meeshii aad idinkoo 100.000 ah isugu timaadaan waxaa aan ana la imaanayaa 1.000.000 (Hal Malyan).

Wadanka Turkiga ayaa iyaamihii ugu danbeeyey oodhan waxaa ka socdey Mudaharaadyo rabsho wata oo ay dhigayaan Dad aan la garamnayn waxa ay rabaan.

Mudaharaadka ayaa wuxuu markii ugu horeysey ka bilowday, markii Meel Park ah oo Bartamaha Istanbul kutaal la damcay in Dhir lajaro si dhismo weyn ay dukaamo ku dhexyaalaan laaga dhiso. Markaa ayey Dad waxaa ay bilaabeen inay mudaharaadaan, kadibna waxaa ay isku dhaceen Booliska. Intaa kadib ayaa marba markii kadanbeyey uu sii xoogeytey Mudaharaadkii wuxuuna ku faafay magaalooyin kale iyo xitaa Magaalooyin ka mida wadamo kale oo ay samaynayaan Turkiga wadamadaa kunool.

Bolisha ayaa waxaa ay damceen markii hore inay kala cayriyaan Dadka Mudaharaadka dhigaya, waase u suuroobi weydey dhaliil ayaana dusha looga tuuray Gudaha iyo dibada ka kala imaanaysa. Markaa ayey xoogaa dib u gurteen, Dadkii Mudaharaadka wadeyse way iskasii wateen Mudaharaadkoodii welibana rabsho ayey sameeyeen wqax yaalo badana waa ay burburiyeen.

Meeshii awal Mudaharaadku kabilowday Dhir ladamcay inlajaro, ayaa waxaa ay hadda isu rogtey inay dalbadaan dadka Mudaharaadka waday in Xukuumada iyo Ra'iisulwasaaraha Turkigu iscasilaan.

Cabsi weyn ayaa laga qabaa inay iskudhacaan Dadka Mudaharaadka wada iyo Taageerayaasha Ra'iisulwasaraha turkiga oo ilaa hadda wax dhaq dhaqaaq ah samayn, laakiin si tartiib tartiib ah dulqaadku uga dhamaanayo.

Last modified on Sunday, 04 January 2015 13:02

Leave a comment

Fadlan dhiibo Fikirkaaga. Fadlan u hadal si dhex dhexaad ah aan Cay iyo Qabyaalad ama wax kale oo xun ku jirin. ◄ Mahadsanid.►

JSN Gruve template designed by JoomlaShine.com