Shirkad Isgaarsiineed oo Maraykan ah ladhaho 'Verizon' ayaa Maxkamad kutaal Maraykana waxay ku xukuntay, inay Xogta Isgaarsiineed ee Macaamisheeda u soo gudbiyaan Sirdoonka Maraykanka ee la dhaho NSA.

Waa markii ugu horeysey baa la yiri oo Sirdoonka Maraykanka ay dalbadaan Xogta Isgaarsiinta ee Muwaadiinta Maraykanka, ayada oon lakala saarin Qofka laga shakisanyahay iyo kan kale. Dadka oo dhan ayaa isku qaab loola dhaqmay waxay doonaan ha ahaadeen e.

Sirdoonkaa Maraykanka ee NSA ayaa waxaa la sheegay markii 2001 Qaraxyada Argagixo loo geystey Maraykanka inay Dadka si qarsoodi ah Xog uga ururin jireen, laakiin 2006 ayaa waxaa fashilay Joornaal Maraykanka kasoo baxa oo dibada soo dhigay Fadeexadaa.

Dhanka kale Sirdoonkaa Maraykanka ee NSA ayaa waxaa la sheegay inay Isgaarsiinta Dunida 90% la socdaan waxaa E-Mail, Telefon, Chat ama Fax iyo wixii lamida ay aqrisankaraan amaba aqristaan ama dhageystaan.

Last modified on Monday, 10 June 2013 11:38

Leave a comment

Fadlan dhiibo Fikirkaaga. Fadlan u hadal si dhex dhexaad ah aan Cay iyo Qabyaalad ama wax kale oo xun ku jirin. ◄ Mahadsanid.►

JSN Gruve template designed by JoomlaShine.com