Waddamada faransiiska iyo Ingiriiska ayaa waxaa ay qireen inay Ciidamada Suuriya adeegsadeen Gaaska Sunta ah ayna Cadayn hayaan. Waddanka Suuriya ayaa iyaamihii ugu danbeeyey oodhan waxaa lagu eedeynayey isticmaalka Gaaska Sunta ah, laakiin wax Cadayn ah lama hayn.

Madaxweynaha Maraykanka ee Barack Obama ayaa horay wuxuu u sheegay in haddii Ciidanka Suuriya ay isticmaalaan Gaaska Sunta ah, ay dhaafayaan Xuduud lamadhaafaan ah uuna Maraykanku Faraha lasoo galayo arimaha kasocda Suuriya.

Inkastoo Marar badan lagusoo celceliyey inay Ciidanka Suuriya isticmaaleen Gaaskaa Sunta ah, hadana Maraykanka ayaa wuxuu ku adkaysanayaa inaysan wax Cadayn ah hayn oo cadaynaya in Gaas Sun ah la adeegsadey.

Leave a comment

Fadlan dhiibo Fikirkaaga. Fadlan u hadal si dhex dhexaad ah aan Cay iyo Qabyaalad ama wax kale oo xun ku jirin. ◄ Mahadsanid.►

JSN Gruve template designed by JoomlaShine.com