Waddanka Garmayn ayaa waxaa ay Talyaaniga ku eedeeyeen inay Xaqootiga Afrika ka yimaada ee Dalkooda soo gala u fasaxaan ama xitaa ku caawiyaan inay Germayn u sii gudbaan. Waxaa ay Talyaanigu siiyaan Qaxootiga Afrikaanka ah ee Wadankooda soogala baa la yiri, Viso 3 Bilood ah oo Waddamada Yurub oo dhan lagu geli Karo iyo Passaport ay ku safraan.

Saa awgeed boqolaal Qaxooti ah ayaa waxaa ay u gudbeen Germayn, markiise ay gaareen ayaan la aqbalin oo waxaa ay noqdeen dibjiro. Maxaa yeelay baa la yiri, sida heshiiska Yurub ka dhexeeya uu dhigayo, waxaa ay tahay in Qaxooti kasta Wadaanka ay marka ugu horaysa soo galaan lagu qaabilo waddan kalena aysan u gudbi karin, sa awgeed Qaxootiga Afrikaanka ah ee markii ugu horaysey Talyaaniga soo galay kadibna Germayn u gudbey ayaan Garmayn wax Caawimaad ah ka helin oo waxaa ay wada noqdeen Dibjiro.

Leave a comment

Fadlan dhiibo Fikirkaaga. Fadlan u hadal si dhex dhexaad ah aan Cay iyo Qabyaalad ama wax kale oo xun ku jirin. ◄ Mahadsanid.►

JSN Gruve template designed by JoomlaShine.com