Waxaa Computer kamida Computerada Wassaradda Difaaca ee Maraykanka jabsaday, Tuugo ah kuwa Computerada jabsada ee loo yaqaan Hacker ka, waxaana ay xadeen Dokumentiyo wax yaalo Sir ah ay ku qornaayeen. Dokumentiyada ayaa waxaa ku qornaa waxyaalaha muujinaya sida loo dhiso iyo sida ay u dhisan yihiin qaar ka mida Diyaaradaha Dagaalka ee maraykanka kuwa ugu danbeeyey uguna casriyeysan.

Waxaa kaloo isla Tuugadaa ay jabsadeen Computer Sirdoonka Waddanka Australia, waxaana ay xadeen sidoo kale Dokumentiyo iyaguna Sir ah oo ay ku qornayd qaabka iyo sida ay u dhisanyahay Dhismo Cusub ee Sindoonka Australia saldhiga u ah.

Leave a comment

Fadlan dhiibo Fikirkaaga. Fadlan u hadal si dhex dhexaad ah aan Cay iyo Qabyaalad ama wax kale oo xun ku jirin. ◄ Mahadsanid.►

JSN Gruve template designed by JoomlaShine.com