Wadamada Midowga Yurub ayaa waxaa ay go'aan sadeen khilaaf iyo is jiid jiidasho dheer ka dib inay Mucaaradka Suuriya Hub u soo gidbin karaan. Midowga Yurub ayaa tan iyo markii Suuriya Dagaalku ka dhex qarxay waxaa ay dul dhigeen Xayiraad iyo Cuno qabatayn noocxo kala duwan leh oo marba marka ka danbeysa ay sii adkeeyeen.

Tan iyo Mudoba waxaa jirtay muran ka dhextaagnaa Midowga Yurub oo ah in Mucaaradka Suuriya la hubeyn Karo iyo in kale. Wadamada Faransiiska iyo Ingiriiska ayaa waxaa ay ololaynayeen in Mucaaradka Suuriya la hubeeyo, saa awgeed Xayiraadda Hubka la qaado. Wadamada kale ee Yurubna qaar ayaa waxaa ay ku andacoonayeen, in Xal loo helo arinta Suuriya ee aan loo deyn inay Hubku hadlaan.

Markiisi kulankii ugu danbeeyey ay yeesheen Wasiirada Arimaha Dibada ee Yurub, go'aan ay isku raacsan yihiinse aysan gaarin, ayaa waxaa ay isku raaceen in laga Mucaaradka Suuriya Hub la siin Karo.

Leave a comment

Fadlan dhiibo Fikirkaaga. Fadlan u hadal si dhex dhexaad ah aan Cay iyo Qabyaalad ama wax kale oo xun ku jirin. ◄ Mahadsanid.►

JSN Gruve template designed by JoomlaShine.com