Waxaa magaalada London ee Caasimada Dalka Ingiriiska ka dhacay arin la yaab leh, ka dib markii 2 Nin ay Nin meel London gudaheeda ah wadada marayey ay Gaari jiirsiiyeen ka dibna Baangad iyo Midiyo ay ku dileen. Ninka la diley ayaa waxaa la sheegay inuu ahaa Askari ka tirsan Ciidamada Ingiriiska. Askariga ayaa waxaa uu gashanaa baa la yiri Funaanad ay ku qorantahay Magaca Urur caawiyo Ciidamada Ingiriiska ee Ciraaq iyo Afghanistan ka dagaalaymay ee wacyeladu soo gaartay.

Nimankii Dilka geytey ayaa Boliska London dhaawaceen ka dibna waxaa ay geeyeen 2 Isbitaal oo magaalada ku yaal halkaasaana lagu daweyynayaa. Sababta ay arintan la yaabka leh u sameeyeen ayaan weli la cadayn, walow la sheegayo war shegaya inay Argagixiso ka danbayso Falkan.

Leave a comment

Fadlan dhiibo Fikirkaaga. Fadlan u hadal si dhex dhexaad ah aan Cay iyo Qabyaalad ama wax kale oo xun ku jirin. ◄ Mahadsanid.►

JSN Gruve template designed by JoomlaShine.com