Galxamur

Warar hadda dhow soo dhacay ayaa waxaa ay sheegeen in Waddan Iran uu Dhul gariir culus ka dhacay ayna ku dhinteen ilaa hadda inta la ogyahay ugu yaraan 30 Qof kuna dhaawacmeen in ka badan 800 oo Qof. Dhul gariirka oo Tankiisu yahay 6,3 ayaa waxaa uu ka dhacay Koonfurta wadankaa.

Masar ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 5 Qof ka dib markii uu iska hor imaad ka dhex qarxay kooxo Muslimeen ah iyo kuwo Nasaaro ah ee wadankaa. Rabshada ayaa waxaa ay ka dhalaytay sida ay sheegeen Laamaha Amaanka ee meeshaa, kadib markii Carruur Nasaro ah ay Masjid darbigiis ku qoreen Iskutilaabta Kirishtaanka. Markaa ayaa khilaaf rabsho isu bedelay meeshii ka qarxay waxaana dhintay 4 dhanka Nasaarada ah iyo 1 Nin dhalin yaro ah oo dhanka Muslimiinta ah. Masar´ayaa rabshada caynkaan oo kale ah ee u dhaxaysa Muslimiinta iyo Nasaarada wadankaa ay badanayeen iyaamihii ugu danbeysey.

Waddanka North Korea ayaa waxaa ay cadeeyeen inay go'aan sadeen inay Maraykanka ku qaadaan Weerar ah Gantaalada masaafooyinka fog fog oo wata Mumbada (Atom Bomb/ Nuclear Bomb). Wadanka North Krea ayaa waxaa ay wadeen i yaamihii ugu danbeeyey oo dhan handadaad ah inay Maraykanka iyo South Korea oo ay Maraykanka xulufo yihiin weerari doonaan, waxaana ay sameeyeen Dhoolotus Militari oo kala dawan, waxaa kaloo ay jareen dhamaan gebi ahaan xiriirikii ay la lahaayeen South Korea oo meeshii ugu danbeysey oo ahaa Dhul balaaran oo Warshadeed kuna yaaley Xuduuda labadaa Waddan ayna ka shaqayn jireen Shaqaale fara badan oo labada dhinac ah ayaa waxaa ay xireen shalay.

Maraykanka ayaa asaguna dhankiisa tan iyo markii Handadaada iyo Hanjabaada North Korea ay soo badatay waxaa ay dhankooda wadaan Dhoolotus Militari ay ku qabanayaan South Korea. waxaana ay Degaankaa Geeyeen Diyaarado ah kuwa ugu Casrisan Diyaaradaha Dagaalka ee Maraykanka, waana Diyaarado aanay arki karin Qalabka Radar ka ee hawada lagu ilaaliyo oo ka qarsoon. Maraakiib Dagaalna sidoo kale waa ay geeyeen iyo Doonyaha Dagaalka ee Badda hoosteeda mara.

Mid kamida Gantaalada North Korea ee Masaafooyinka fog.

Waddanka Waqooyiga Kuuriya iyo Maraykanka ayaa waxaa ay qarka u saaran yihiin in dagaal ka dhex karxo, kadib markii iyaamihii ugu danbeeyey oo dhan wadankaa Waqooyiga Kuuriya ay Handadaad wadeen iyo Hanjabaadyo kala duwan oo dhanka Maraykanka iyo Koonfurta Kuuriya oo ay Maraykanka Xulufo yihiin ula jeedaan. Maalmihii ugu danbeeyey waxaa ay sheegeen inay Ciidamadooda Heeganka ugu sareeya geliyeen ayna Madaafiic iyo Gantaalo diyaariyeen.

Madaafiicdaa Masaafooyinka fog ayaa waxaa ay ku shiisheen siday sheegeen, meelo uu Maraykanku ku leeyahay Saldhigyo Militari iyo meelo kale oo kale oo kamida Maraykanka. Maraykanka ayaa ayaguna dhankooda waxayaa ay wadaan Dhoolotus Militari oo ay ayaga iyo Koonfurta Kuuriya samaynayaan. Waxaa kale oo ay Koonfurta Kuuriyo u soo direen Diyaarado qaada Bambooyin Culus kana soo duula Masaafooyin fog fog. Sawirada Hogaamiyaha Waqooyiga Kuuriya iyo qaar ka mida Saraakiisha Ciidamada ugu saraysa ayaa Sawiradooda waxaa lagu daabacay Saxaafadda Caalamka, ayaga oo dejinaya Kaarto dagaal.

 

 

 Hogaamiyaha Waqooyiga kuuriya oo dejinaya Kaarto Dagaal

Warar Hadda soo dhacay ayaa waxaa ay sheegeen in ugu yaraan 7 Qof ay ku dhinteen Weerar laguqaaday Masjid ku yaal Mgaalo ku taal Xuduuda Soomaaliya iyo Kenya.

Dadka dhintay ayaa la sheegay inay 5 Rag 2 na Dumamr yihiin. Cida ka danbeysey Dilka ayaan la ogeyn ilaa hadda Qolada ay ahaayeen iyo sababta.

Waxaa Wadanka Cameroon lagu afduubay Dalxiisayaal Faransiis ah oo la sheegay inay ilaa 7 Qof ka kooban yihiin. Dalxiisayaasha ayaa la sheegay in 3 Dad waaweyn 4 na Carruur yar yar yihiin, waxaana la afduubtay goor ay kasoo laabteen meel ay daawasho u aadeen oo ah meel u dhow Xuduuda Wadanka Cameroon iyo Nigeria.

Cida Afduubka geysatey iyo sababta ayaan weli war faah faahsan laga hayn. Waa markii ugu horeysey ee Dalxiisayaal Reer Galbeed ah Wadankaa lagu afduubtay.

Waxaa Makamada Caalamiga ee Danheeg lasoo taagey Madaxweynihii hore ee Wadanka Cote d' Ivoire Laurent Gbagbo. Waxaana lagu eedeeyey Xaasuuq, Barakicin iyo Kufsi dad aad u tiro badan.

Dadka ayaa dhibaatooyinkaa kala duwan waxaa loo geytey intuu Wadankaa Madeyweynaha ka ahaa, waxaana la sheegay in Dadka la laayey weliba dadka qoorki si naxariis daro ah loo dilay, tiradooda ay gaareyso ama ka badan tahy ilaa 3 kun oo qof.

Waxaa saaka aroortii meelo ka mida Waddanka Ruushka Cirka uga soo daatay Dhagxaan. Dhagxaantaa oo geystey burburka dhiymayal badan iyo dhaawaca dad badan oo ilaa Kun Qof gaaraya. Dhacdada ayaa waxaan ilaa hadda la sheegin inay way dad ah ku dhinteen dhaawax maahee.

Dhaawaxa ayaa wuxuu wada yahay, dhaawac ay geysteen firirka dhalooyinka daaqadaha oo bur buray ka diib markii dhagxaantu ku dhacday ka dibna dad badan dhaawacay.

Waddanka Waqooyiga Kuuriya ayaa waxaa ay sheegeen inay u hirgashay tijaabada Bumbada Nuclear ka. Tijaabada ayaa waxaa ay ka dhacday Marin God ah oo Buuro hoostood ku yaal. Waxaana ay shegeen inay tijaabada Guul noqotay. 

Waa markii 3-aad oo Waqooyiga Kuuriya ay sameeyaan Tijaabo Nuclear oo noocaas oo kale ah. Mar hore 2006-dii iyo 2009-kii Tijaabo taas oo kale ah bay sameeyeen. 

Page 5 of 5
« October 2017 »
Mon Tue Wed Thu Fri Sat Sun
            1
2 3 4 5 6 7 8
9 10 11 12 13 14 15
16 17 18 19 20 21 22
23 24 25 26 27 28 29
30 31          

CAALAMKA ONLINE

TEST

JSN Gruve template designed by JoomlaShine.com