Galxamur

Ra'iisul Wasaaraka Dalka Turkiga ayaa waxaa uu Wadanka Suuriya ku eedeeyey inay isticmaaleen Gaaska Sunta ah.

Sida Warar kala duwan sheegeen Wadanka Ruushka ayaa waxaa ay qorshaynayaan inay Syria u soo gudbiyaan Gantaal casri ah oo Hawada lagu difaaco.

Waxaa Heshiis Taariikhi ah galay Dowladda Turkiga iyo Jabhadda PKK oo mudo 30 Sano ka badan dagaal kula jirtey xukuumadda Turkiga. Madaxa Jabhadda PKK ayaa waxaa uu sheegay in Jabaddiisa ugu danbeyn 8 Bisha May ay ka guuri doonaan meelaha Saldhiga u ah ee Tarkiga ayna u guuri doonaan Waqooyiga Ciraaq.

 

Duqa Magaalada New York ayaa waxaa uu sheegay in Nimankii asbuuc ka hor Qaraxa ka geytey Magaalada Boston ay rabeen inay qaraxaa oo kale meesha bartamaha Magaalada New York ee Times Square ka fuliyaan. Markii ay Qaraxa Boston fuliyeen ayaa waxaa ay afduubteen Gaari yar, meel dhexe markay marayaanse waxaa ay dareemeen in Gaarigay ay wateen baasiinkii ka dhamaaday markaa ayey meesha baasiinka Baabuurta istaageen, saa awgeed Qodkii lahaa Gaariga ay afduubeen oo ay wateen ayaa ka fakaday kadibna Booliska ku wargeleyey Booliskiina markaa ayay raacdeeyeen.

Kadib raadraac weyn iyo dagaal 2 dii Nin mid ayaa dhintay midna asagoo dhaawac cuslus ay ayaa Nolol lagu qabtay ka dibna Isbitaaal la geeyey, waxaana laga soo oogey dacwad.

Wadanka Syria ayaa waxaa lagu eedeeyey inay u adeeg sadeen Dagaalka u shexeeya iyaga iyo Jabhadda Mucaaradka ku Gaaska Sunta ah. Saas waxaa yiri Hay'adaha sirdoonka ee Reer Galbeedka sida UK iyo USA iwm. Wadanka Siiriya ayaa waxaa ka socdey sanadihii ugu danbeeyey Dagaal aad u Kharaar oo lagu hoobtay ina dhexeeya Xukuumadda Suuriya iyo Macaaradka Waddankaa. Dad aad iyo aad u Farabadan oo lagu qiyaasay in kor u dhaafaysa 70 kun ayaa ku dhintay ilaa hadda dagaalka, Malyan in kor u dhaafaysana waxaa ay u qaxeen Waddamada Deriska la ah Syria.

Booliska Waddanka Kanada ayaa waxaa ay shegeen in ay fashileen Qarax la rabey in Tareen lala beegsado. 2 Nin ayaa waxaa ay rabeen inay Qaraxa fuliyaan lana beegsadaan Tareen ka shaqeeya Kanada-USA oo New York u socdey. Qaraxa ayaa waxaa la rabey inay Buundo ku rakibaan.

Ragga rabey inay Qaraxa Fuliyaan ayaa waxaa ay ku noolyihiin Kanada, waxaase la sheegay inaysan haysan dhalashada Kanada wadanka ay kasoo jeedaanna lama sheegin.

Waxaa maanta Qarax lala begsaday Safaardda Faransiiska ee Libya. Qaraxaa oo ahaa mid Gaari lagu rakibay ayaa waxaa uu dhaliyey khasare aan saa u weyneyn. 2 Nin oo Safaarada waardiye u ahaa ayaa ku dhaawacmay dhismaha Safaaradana waxaa soo gaarey bur bur. Ilaa hadda ayaan la shaacin cida ka danbeysey Qaraxan iyo sababta.

Madaxweynihii hore ee Pakistan Pervez Masharraf ayaa Maxkamad Waddankaa ku taal waxaa ay ka mamnuucday inuu ka qayb geli Karo Doorasho Madaxweynaha Waddankaa oo 11 ka bisha MAy dhici doonta. Maxkamada ayaa Go'aankooda waxaa ay sabab uga dhigiin inay socdo baaritaan eedaymo kal duwan lagu soo oogey Pervez Musharraf oo ay ka mid yihiin Musuqmaasuq iyo weliba ku lug lahaanshaha dilkii loo geytey Ra'iisulwasaarihii 2007-dii la diley ee Benazir Bhuto.

Pervez Musharraf ayaa waxaa uu dhawr Asbuuc dib ugu soo laabtay Wadanka Pakistan oo uu sanado ka hor isaga tagey, si uu uga qayb galo Doorashada dhawaan dhacaysa.

Waddanka Iran ayaa waxaa mar kale ka dhacay Dhul gariir culus oo sababay dhimashoda ilaa 34 Qof iyo dhaawaca Dad aad u badan. Dhul gariirkan cusub aya waxaa uu ka dhacay Xuduuda Iran iyo Pakistan, waxaana uu sababay bubur xoogan. Maalmo ka hor waxaa ka dhacay Iran Dhul gariir kann oo kale ah oo sababay dhimasho iyo dhaawacx Dad fara badan, laakiin in yar wuu ka tabar darnaa Dhul gariirka hadda dhacay.

Shalay ayaa waxaa magaalada Boston ee Maraykanka ka dhacay 2 Qarax oo xoogan isna xiga. Qaraxyadaa ayaa waxaa lala beegsaday meel ay ka socotey Cayaar Tartar Orod ah oo ay dad aad iyo aad u badan ka soo qayb galeen qaarna y u yimaadeen inay daawadaan oo hareeraha wadada ay dadka ordayaa marayeen ku hareeraynaa. Qaraxyadaa ayaa waxaa la sheegay ugu yaraan inay 3 Qof ku dhinteen in Boqol kor u dhaafaysana ku dhaawacmeen. dadka dhaawacmay ayaa waxaa ku jira dhaawacyo culus.

Ilaa hadda ayaan la sheegin Cidda ka danbeysey qaracyadaa iyo sababta. Laamaha Ammaanka iyo kuwa Danbi baarista ayaa waxaa ay wadaan baarintaan xoogan oo jihooyin badan ah.

Page 4 of 5
« June 2017 »
Mon Tue Wed Thu Fri Sat Sun
      1 2 3 4
5 6 7 8 9 10 11
12 13 14 15 16 17 18
19 20 21 22 23 24 25
26 27 28 29 30    

CAALAMKA ONLINE

TEST

JSN Gruve template designed by JoomlaShine.com