Galxamur

Reer Mudug

 

Xiriir

Wadanka Maraykanka ayaaa waxaa ay sheegeen inay Safaaradaha iyo Qunsiliyada ay ku leeyihiin Dhawr Wadan oo kamida wadamada Islaamkay ay Axada soo socota xiri doonaan.

Kuwa ay yihiin Wadamadaa ayeysan shaacin, waxaa oo kalyia ay sheegeen inay saas u samaynayaan arin la xiriirta faajignaan dhanka Amniga ah.

 

 

             
             
             
             
             
             
             
             

 

 

Wasiirka Arimaha Dibada ee Dalka Maraykanka John Kerry ayaa mar uu Telefishin Waraysi siiyey waxaa uu ku marmarsiinyooday in Inqilaabkii Madaxweynihii Masar lagu ridey uu Sharci ahaa kuna yimid rabitaanka Shacabka Masar.

John Kerry ayaa wuxuu noqonayaa Shaqsigii ugu horeeyey ee Wadamada Reer Galbeedka Xil intaa ´le'egna haya oo sitoos ah u Tageeray Inqilaabkii Masar ka dhacay. Walol dad badan ay aaminsanyihiin in Wadamada Reer Galbeedka oodhan taageersan yihiin Inqilaabka, haseyeeshee Siyaasiyiintooda ilaa hadda siyaalo dadban ayey arintaa uga hadleen oo maysan muujin inay Inqilaabka taageersan yihiin.

Waxaa uu yiri, Militariga Inqilaabka waxaa ay kusameeyeen codsiga Milyan iyo Malaayiin Shacab Reer Masar ah oo ka cabsiqaba in Dalkooda uu nidaamxumo iyo Dagaal ka dhaco, mana ay rabaan inay wax badan Awooda haystaan ee Nidaamkii Dimuqraadiyada ayey soo celinayeen.

 

Wararkii ugu Danbeeyey ee ka imaanya Wadanka Masar ayaa waxa ay sheegayaan in ugu yaraan 40 Qof ay ku dhinteen kadib markii Taageerayaasha Madaxweynihii la inqilaabay ee Mursi, ayagoo mudaharaadaya Rasaas ay askar kufureen.

Taageerayaasha Mursi ayaa waxaa ay ku mudaharaadayeen meel Saldhig Militari ah oo loo malaynayo in Madaxweyne Mursi lagu haysto. Kadibna waxaa ay bilaabeen inay salaadii subax meesha horteeda ku tukadaan markaasna Rasaas ooda looga qaaday, kadibna ilaa 40 qof ayaa dhntay Boqolaal in kor udhaafayana waa dhaawacmeen.

Dhanka Militariga iyo warbaahinta afkooda ku hadla ayaa waxaa ay dhankooda yiraahdeen, rasaasta waxaa bilaabay Taageerashaaya Mursi oo waxaa ay rabeen inay meesha xoog ku qabsadaan, Hal askarina waa uu ku dhintay weerarkaa.

Arinta Masar ayaa tan iyo Markii madaxweynihii Mursi la inqilaabay, kasii daraysa waxaana lasoo sheegayaa inay Dad aad u badan meelo kala duwan oo wadankaa ay ku dhinteen kadib iska hor imaad Tageerashaaya Mursi iyo kuwa kasoo horjeeda.

Nin Mohamed Al-Baradei la dhaho ayaa la damcay in laga dhigo Raysulwasare ku meelgar ah, hase yeeshee Xasbiga Salaafiyada ayaa diiday oo waxaa ay ku candacoodeen inaan Nin mucaaradka ka mid ahaa Madaxweyne mursina loolan qaraar dhexyiil uusan waxba kusoo darayn isukeenid iyo dib u heshiiiin Qaran.

Hadase waaba isaga baxeen xisbiga Salafiyadu wada hadalkii oo waxaa ay sheegeen inay ka xunyihiin Dadka la laayey ee Taageerayaasha Madaxweyne Mursi.

Warar deg deg ah oo hadda soo dhacay ayaa waxaa la shegay in Militariga Masar ay Inqilaab sameeyeen Madaxweynihii Masarna ay Xilkii ka qaadeen.

Generalka ugu sareeya Ciidamda Masar ayaa qudbad uu ka jeediyey Telefishinka Dalkaa waxaa uu ku sheegay, in Madaxweynaha Masar Xilikii laga qaaday si kumeel gaar ahna loogu dhiibey Qaaliga Maxkamadda Dastuurka ee waddankaa.

Wuxuu kaloo sheegay in Dastuurka ilaa ugu badnaan muso sanad ah meesha laga saaray sida ugu dhaqsaha badan oo dhici kartana ay Doorasho cusub ku dhacayso.

Genralka ayaa markuu Qudbada jeedinayey waxaa la joogey wax garad iyo wadado ka kalakooban dhamaan qaybaha Bulshada Masar. Madaxweyni Mursi ee Xilka laga afgambiyey ayaa wuxuu ku yiri taageerayaashiisa baa layiri, inay Guryahooda isaga laabtaan wax rabsho iyo dagaal ahna aysan samayn.

Diyaarad uu lahaa Madaxweynaha Waddanka Bolivia, Evo Morales ayaa markii ay Hawada Waddanka Austria dulmarey, waxaa lagu qasbay inay magaalda Caasimada ee Vienna ku degto.

Waxaa sabab looga dhigay baa layiri, markii ay Wadamada Faransiiska, Talyaaniga, Isbayn iyo Boortaqiiska ay diideen inay Hawadooda isticmaasho Diyaaradda Madaxweynaha Bolivia.

Laakiin waxaa loo malaynayaa baa layiri inay sabata ahayd, markii lagu tuhmey in Nin Jaajuus ahaa oo Sirdoonka Maraykanka ka fakaday uu Magaalda Muusko ee Ruushka kasoo qaaday si uu waddanka Bolivia Magangelyo Qaxooti uga helo. Been ayuuse noqday malahaa oo Diyaaradda ma uusan saarnayn Jaajuskii ee weli Ruushka ayuu ku suagan yahay.

Waddanka Masar oo iyaamihii ugu danbeeyeyba Kacdoon Siyaasadeed aan culus ka socdey ayaa hadda waxaa ay gaartey meeshii ugu xumayd ilaa hadda. Shalay ayey ahayd markii Militariga Masar ay Xumuumada Masar iyo Mucaaradka kasoo horjeeda u qabteen 48 Saacadood inay ku xaliyaan khilaafka ka dhexeeya, haddii kale ay iyagu la wareegayaan Hogaanka Dalka Qorshe dhibka looga saari karana ay soo gudbin doonaan.

Waqtigii kamadanbeysta ahaa ayaa dhamaaday Galabta wax wadahadal ah oo ay Xukuumada iyo Mucaaradku galeena ma jiraan. waxaa la sheegay in saacadihii ugu danbeeyey meelo badan oo Magaalada Caasimada ee Qaahira kamid ah, lagu soo daadiyey Askar Gaadiidka dagaalka iyo taangiyaal wata.

Waxaa kaloo la sheegay inay Talefishinka afka Dowladda ku hadla ay lawareegeen Militarigu ayna shegeen in saacadaha soo socda ay war soo saari doonaan.

Dhanka kale Warar aya lasoo sheegaya, in Militariga ay amar ku bixiyeen inaan Madaxweynaha Masar iyo Wakiilo sare oo ka tirsan Xisbigiisa aysan Waddanka ka safri karin. Madaxweynaha Masarna waa ku gacan sayray amarka iyo Kamadanbeysta ay Militarigu u qabteen iyo Mucaaradka.

Marka Xaaladda Masar ayaa waxaa laga baqayaa inay Faraha ka baxdo oo Dagaal Hub laysu adegsanayo uu ka dhex bilowdo qolooyinka is haya.

Sirdoon Maraykan ah oo kamida Sirdoonada Maraykanka laguna magacaaba NSA ayaa waxaa la ogaadey inay Wadamo badan oo Adduunka ah jaajuusaan. Nin kamid ahaa shaqaalaha Sirdoonkaa ayaa waxaa uu la fakaday Sir badan kadibna waxaa uu usoo bandhigay oo u waramay Noornaal kasoo baxa Waddanka Ingiriiska.

Wadamada la Jaajuusay ayaa waxaa kamida Jarmalka, Faransiiska iyo Talyaaniga iyo Wadamao badan oo kale oo ay Maraykanka Saaxiib yihiin.

Dad badanayey arintaa kayaabisay maxaa yeelay baa layiri, Wadamadaa waa Saaxiibyo iyo Xulufoda Maraykanka. Safaaradaha Wadamo badan ee Maraykanka iyo Saldhiga Qaramada Midoobey ayaa waxaa lagu qariyey baa layiri, qal yar yar oo qarsoon oo wax lagu dhageysto. Fiilooyinka Isgaarsiintana waa la dhuuqay.

Waddanka Massar ayaa waxaa ka dhacay Mudaharaad Culus oo looga soo horjeedo Madaxweynaha Masar. Mudaharaadkaa ayaa wuxuu ka dhacay meelo badan oo Dalkaa kamida. waxaana la sheegay ugu yaraan 7 Qof inay ku dhinteen si yaalo kala duwan.

Mucaaradka Masar ayaa dhawaan oodhanwaxaa ay wadeen Mudaharaadyo Culus oo loogasoo horjeedo Madaxweynaha Masar.

  •  Start 
  •  Prev 
  •  1  2  3  4  5 
  •  Next 
  •  End 
Page 1 of 5
« August 2017 »
Mon Tue Wed Thu Fri Sat Sun
  1 2 3 4 5 6
7 8 9 10 11 12 13
14 15 16 17 18 19 20
21 22 23 24 25 26 27
28 29 30 31      

CAALAMKA ONLINE

TEST

JSN Gruve template designed by JoomlaShine.com